Qarax lagu dilay askar badan oo ka dhacay duleedka degmada Balcad

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda qarax miino lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada milatariga oo galbinayey Col. Saney Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Jowhar oo lagu qabanayo doorashada 3 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan illaa 9 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Col. Saney Cabdulle uu ka badbaaday werarkan, balse ay ku dhinteen, kuna dhaacwameen qaar ka mid ah askartii la socotay.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro culus ka fulisa wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here