Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Jowhar + khasaaraha

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaraaha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka HirShabelle.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada ee guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Ugu yaraan afar askari oo uu ku jiro sarkaalkii ugu sarreeyey ee ilaalada guddoomiyaha ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, kadib weerarka qaraxa ah.

Si kastaba, qaraxan ayaa kusoo aadaya, xilli maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kooxda Macawiisleyda uu ka qarxay gudaha magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here