QM oo boggaadisay kulankii beesha caalamka iyo R/W Roobe

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal kasoo baxay Xafiiska qaramada midoobay ay ku leedahay Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay kulankii ay beesha caalamka la yeelatay Isniintii Ra’iisul Wasaaraha JFS mudane, Maxamed Xuseen Rooble.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay kula biirto saaxiibbada beesha caalamka kulan ay Isniintii la yeesheen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay ka wada hadleen sidii loo taageeri lahaa dhammeystirka hannaanka doorashada ee Soomaaliya si waqtiyeysan oo hufnaani ay ka muuqato iyo sidoo kale kordhinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo saaxiibbada caalamiga ah ee ku aaddan gurmadka abaaraha dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here