QM oo ka deyrisay xaaladda bani’aadanimo ee gobolka Tigray

0

ADDIS ABABA (SMN) – Qaramada Midoobey ayaa walac xooggan ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kaddib markii ay sii xoogeysatay colaadda ku dhawaad muddada sanadka ah halkaasi ka socotay.

QM ayaa sheegtay in malaayiin qof oo reer Itoobiya ah ay halis ugu jiraan nafaqadarro, halka qaar kale oo badanna ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah.

Digniintan ayaa timid saacado uun kaddib markii mid ka mid ah diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku adkaatay in ay ku degto magaalada Mekelle oo ay ku khasbanaatay in ay si deg deg ah ugu laabato magaalda Addis Ababa, sababo la xiriira duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada dowladda ay wadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Dhacdadaasi kaddib, Qaramada Midoobey waxay joojisay gebi ahaanba duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolkaasi Tigreeda ee ay colaadda la degtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here