QM oo Kormeeray Horumarka Cutubyada Booliska Soomaaliyeed

0

MUQDISHO – Magaalada Muqdisho, La-taliyaha Sare ee Amniga ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Qaybta Booliska ee UNTMIS ayaa booqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si uu indha-indheeyo horumarka ay sameeyeen Cutubka Booliska Diblomaasiyadda iyo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee cutubkaas.

 

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale booqasho sharafeed ugu tagay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cismaan, kaas oo carrabka ku adkeeyay diyaar-garowga cutubyadan iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin inay bilaabaan hawlgalladooda.

Booliska Qaramada Midoobay ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka taageera hirgelinta nidaamka federaaleynta booliska, iyagoo siinaya talooyin istiraatiiji ah, isku-dubaridka taageerada caalamiga ah, horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo dhisidda awoodda hay’adaha.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta awoodda hay’adaha amniga iyo tayeynta howlaha booliska.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here