QM oo sare u qaadeysa gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay sare u qaadayso gargaarka bini’aadantinimo si loo caawiyo 4.9 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul ee ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.

Adam Abdelmoula, oo ah isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in heerarka baahidu ay si xawli ah kor ugu kacayso islamarkaana ay dhaaftay awoodda iyo agabka la heli karo.

“Qiyaastii 4.9 milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay mowjadda abaarta, waxaana la filayaa in ay kasii dari doonto dhammaadka bisha June,” ayuu yiri Abdelmoula ka dib markii uu booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo si ay u qiimeeyaan saameynta abaarta.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee xaalada abaareed ee ka soo baxday xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in xaalada degdega ah ee abaaraha Soomaaliya ay ka sii dartay heer uu dalku wajahayo.

OCHA ayaa xustay in hay’adaha samafalka, maamulka iyo bulshada deegaanku ay dardar gelinayaan gurmadka si wax looga qabto saameynta abaarta ka dhalatay, iyadoo laga cabsi qabo in macluul isku beddesho.

Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa soo arkay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin bulshada deegaanka ee ku barakacay abaarta ba’an ee dalka ka jirta, iyadoo socdaalkan uu sidoo kale dhiirogelin dheeri ah ka bixiyay sidii wax badan loogu gurman lahaa dadka dhibaateysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here