Qoor Qoor oo la kulmay wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR Mr. Magatte Guisse oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta UNHRC iyo Dowladda gobaleedka Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa Xafiiska Hay’adda ay dhawaan ku yeelan doonto Caasimadda Dhusamareeb.

Waa kulankii ugu horreeyey ee dhex-mara madaxweyne Qoor Qoor iyo madaxa Hay’adda arrimaha qaxootiga ee UNHC oo dhawaan loo soo magacaabay gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here