R/W Rooble oo soo saaray go’aan dalka looga ceyrinayo wakiilka Midowga Afrika

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin.

Francisco Madeira ayaa lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqada uu dalkaan u joogo oo ah Wakiilka Midowga Afrika, waxayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.

Go’aankaan wuxuu ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, “Waxaan soo dhoweeneynaa howlgalka cusub ee ATMIS, waxaana sugyenaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Dhowr bilood ka hor dowladda Soomaaliya ayaa dalka sidaan oo kale uga cayrisay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo, kaas oo 4-tii bishii 11-aad 2021-kii, lagu amray inuu dalka isaga baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here