Ra’iisul wasaare Rooble oo booqasho ku tegay xeebta Liido + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa saaka booqday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, isaga oo uu wehlinayo wasiirka amniga, Cabdullahi Maxamed Nuur.

Rooble ayaa halkaas kula kulmay dhalinyarada ka shaqeysa bilicda iyo nadaafadda xeebta kuna dhiirrigeliyay howsha wanaagsan ee ay hayaan.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu dhalinyarada kula dabaashay gudaha xeebta oo ay dadweyne fara badan u damaashaad tegaan maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here