Raggii Dhaqtarka iyo Macallinka ku dilay gobolka Galgaduud oo lasoo qabtay

0

GURICEEL (SMN) – Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay afar eedeysane oo loo haysto dil maalin kahor ka dhacay deegaanka Ilix oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb, kaas oo loo gaystay Dhaqtar iyo Macallin walaalo ahaa.

 

Labada marxuum oo loo dilay aano qabiil ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Dhaqtar Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis ka yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan.

Afarta eedeysane ee haatan gacanta lagu soo dhigay ayaa iyaga oo baxsad ah lagu qabtay gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu shaaciyay maamulka degmada Guriceel.

“Maamulka degmada Guriceel oo kaashanaya laamaha Amniga ayaa Gacanta ku dhigay gacan eedaysanayaasii kiiskii dilka 2dii wiil ee walaalaha ahaa ee lagu dilay agagaarka deegaanka Ilix ee dhaca duleedka deegaanka Ceeldheere oo hoostaga Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Soo qabashada raggan ayaa waxaa soo dhaweeyay ehellada marxuuminta, waxaana la filayaa in si deg-deg ah loo horgeeyo maxkamad si looga qaado tallaabo adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here