Muxuu yahay ujeedka shirka uu guddoomiyey R/W Xamza? + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uu hormuud u noqdo isbeddelka iyo hannaanka dowladnimada casriga ah, si meesha looga saaro caqabadaha ku horgudban horumarinta adeegyada dowladda iyo isbeddel horumar oo waara.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay hoggaanka Tiirarka Xukuumadda ayaa ku booriyey in xubnihii hey’adaha dowladda ee qaybta ka ahaa safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah ay hormuud ka noqonayaan horumarka bulsho, iyo dhaqan-dhaqaale ee Xukuumaddu u jiheyneyso dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tiirarku ay laf-dhabar u yihiin howlaha Xukuumadda #DanQaran, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo wax ku soo kordhiya noloshooda.

Waxaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay xubno ka badan soddon qof oo ka tirsan hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo dalka Maleysiya ku soo qaatay barnaamijyo la xiriira Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here