MUQDISHO (SMN) – Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Saree ee BJFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Rooble ayaa guddoomiyaha Aqalka Sareย ku bogaadiyay dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga.
Raโiisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhammeystirka doorashada iyo u diyaargarowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib doorashadii guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya