Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulamo ka wada dalka Masar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa deeqaha Waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Abuukar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisu ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Masar looga wada hadlay sidii dowladda Masar ay u xoojin lahayd deeqaha Waxbarasho ee la siiyo Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in kulanka uu hordhac u yahay shirar kala duwan oo Wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble la yeelan doonaan Madaxda Dalka Masar.

Wasiir Maxamed ayaa xusay in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu qaadan doono muddo saddex cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here