Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya oo kulan la qaatay qoyska Ikraan Tahliil Faarax

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan isagoo la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda.

Rooble ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay.

Xalay ayey aheyd markii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu muddo 48 saac ah u qabtay hay’adda NISA, si ay jawaab faah faahsan uga bixiso ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here