Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo magacaabis sameeyey

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta sameeyey magacaabis, kadib digreeto uu soo saaray.

Rooble ayaa wareegtadan Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ugu magacaabay inuu noqdo wasiir ku xigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u rajeeyay in uu mas’uuliyaddan Eebbe la garab galo, isaga oo mas’uuliyiinta wasaaradda ugu baaqay inay la shaqeeyaan mas’uulkan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here