Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad oo Muqdisho ka daah-furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo loo dabaal degayo 10-ka December sanad kasta.

 

Munaasabaddan, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, ayaa sanadkan lagu soo bandhigay guulaha wasaaradda ka gaartay horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Waxaa ka mid ah:

  • Dib-u-soo celinta waajibaadka Xuquuqul Insaanka ee dalka ka dib ku dhawaad 30 sano.
  • Meel-marinta sharciyo muhiim u ah horumarinta iyo difaaca Xuquuqul Insaanka.
  • Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa sidoo kale ku astaysan 77 sano guuradii tan iyo markii la aqoonsaday Maalinta Xuquuqul Insaanka sanadkii 1948-dii.

Soomaaliya waxay ka mid tahay 199 dal oo maanta u dabaal degaya xuska maalintan caalamiga ah, iyada oo muujinaysa taageerada joogtada ah ee xuquuqda aadanaha iyo horumarinta dimuqraadiyadda dalka.

May be an image of one or more people, suit, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text that says "CE CEHOTEL HOTEL ខួល"May be an image of one or more people, dais and text that says "EI H"May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here