Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho Shirweynaha 2-aad ee U Adkeysiga Aafooyinka, kaasoo socon doona muddo labo cisho ah.
Shirkan sanadkan waxa uu diiradda saarayo mowduuca muhiimka ah ee “Doorka Bulshada ee la Tacaalida Masiibooyinka iyo Isbeddelka Cimilada.” Waxaa si wadajir ah u martigelinaya Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, iyadoo ay si buuxda u taageerayso Hay’adda Plan International.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha SoDMA, hoggaanka Jaamacadda Muqdisho, khubaro caalami ah iyo boqolaal marti sharaf ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirweynahan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya dowladda, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah si loo yareeyo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadantinimo ee kusoo noqnoqda dalka, iyadoo sidoo kalena kor loo qaadayo wacyiga ku aaddan isbeddelka cimilada iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka dhasha.
Waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aammo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo hanaanka u adkeysiga masiibooyinka ee Soomaaliya.



