Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta beeraha oo ay hirgelisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, taas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda barnaamijyada horumarinta beeraha dalka.
Madashan ayaa waxaa ka qayb galaya wasaarado kala duwan iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin FAO iyo WFP, kuwaas oo si wadajir ah diiradda u saaraya mideynta dadaallada dowladda, hay’adaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale.
Ujeedka madasha ayaa ah in la kordhiyo wax-soo-saarka beeraha, lana xoojiyo sugnaanta cuntada, iyadoo la hirgelinayo qorshe mideysan oo lagu horumarinayo qaybta beeraha ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in barnaamijkan uu horseed u noqon doono horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed, isla markaana gacan ka geysan doono ka hortagga saameynta abaaraha iyo xoojinta adkeysiga isbeddelka cimilada.





