Luanda, Angola – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga 21-aad ee Gaarka ah ee Madaxda Dalalka iyo Dawladaha ee Golaha Midowga Afrika, kaas oo madaxda qaaradda Afrika uga doodayaan xoojinta ka-hortagga iyo xallinta khilaafaadka.
Kalfadhigan ayaa madaxda Afrika kaga arrinsanayaan sidii qaaraddu tallaabo wadajir ah uga qaadi lahayd khilaafaadka, u hirgelin lahayd maalgelin joogto ah oo lagu taageero nabadda iyo amniga, una xoojin lahayd wada-shaqeynta hay’adaha qaaradda iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay doodaha socda ku biirinayso waayo-aragnimadeeda ku aaddan garab-istaagga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in guulaha laga gaaro sugidda amniga lagu xoojiyo hindisayaasha qaran ee nabad iyo xasillooni waarta.




