Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku wajahan magaalada Kismaayo

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sidoo kalena ah xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa haatan ka socota gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo, iyada oo si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Rooble ayaa marka uu tago Kismaayo la kulmi doono madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu ku tegayo Jubbaland, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada, sida Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here