Ra’iisul wasaare Rooble iyo Guudlaawe oo iska afgartay Shirka Wadatashiga Qaran

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo dalka ka maqan ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in shirka Golaha wadatashiga Qaran uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka Qaran iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here