Ra’iisul wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib socdaal Afar cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa intii uu joogay Imaaraadka kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas ayaa socdaalkiisu ku qotomay horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday kulamadaas dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas, gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso iyo qodobbo kale oo kkuseeya gobolka geeska iyo xiriirka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here