Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray magaalada London + Sawirro

0

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Rooble ayaa ka qeyb galaya shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada caruurta kaas oo ay sidoo kale qeyb ka yihiin madax kala duwan, daneeyeyaasha arrimaha waxbarashada iyo hoggaamiyeyaasha dhalinyarada ,iyada oo xoogga lagu saari doono horumarinta nidaamyada waxbarashada ee dalalka ka qeybgalaya shirka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

  

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here