Ra’iisul wasaare Rooble oo guddi u saaray xaaladda ciidamada ku maqan Eritrea

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.

Guddigan oo ka kooban illaa shan xubnood ayaa u kuur geli doono xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kadib cabashada xoogan ee ka timid waalidiinta caruurtaasi.

Sidoo kale arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay soo baxday warbixin lagu sheegay in dhalinyaradaas laga qeyb-geliyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here