Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo.

“Waaxan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.

Waxaan abaal u haynaa, ku faaneynaa, una duceyneynaa aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno kuwaas oo guushaas ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl.

61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here