Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Guddiga Doorashooyinka Jubaland isagoo kula dardaarmay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Rooble oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa kulamo kala duwan la yeelanayay dhinacyada ay quseyso arimaha Doorshooyinka iyo xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo ee Jubaland.

Doorashooyinka Soomaaliya oo heshiis rasmi ah horey looga gaaray ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana ugu horreyn la soo xuli doonaa xubnaha xildhibaanada ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here