Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay Cabdikariin Qalbi Dhagax + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa iyo xarunta Xukuumadda ku qaabilay halgamaa Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo sanadkii 2017-kii si sharciga baal marsan loogu gacan galiyay Dowladda dalka Ethiopia.

Rooble ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baa’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi vdhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sh. Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here