Ra’iisul Wasaare Rooble oo war ka soo saaray xuska 15-ka May

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in looga baahanyahey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ku deydaan halyeeyadii SYL ee dalka ka dulqaaday heeryadii gumeystaha shisheeye, dhexdana u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

“Xuska 15-ka May ee sanad kan ayaa ku soo beegmay maalin muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo la dooranayo Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay u soo duceeyaan dalka, in Allah u dooro hoggaan wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here