Ra’iisul wasaare Rooble oo xil cusub u magacaabay Bashiir Goobe

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed  Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) Wasiiru-dowlaha Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.

Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii kala duwanaa ee soo maray dalka.

Magacaabistan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here