Ra’iisul wasaare Soomaaliya oo u amba-baxay Imaaraadka Carabta

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa kulamo kulammo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalkaas.

Sidoo kale waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sii sagootiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo mas’uuiyiin kale.

Safarka Rooble  ayaa kusoo aadayo, ayada oo horraantii bishan uu raalli-gelin ka bixiyey lacag Imaaraadka April 2018-kii looga qabtay garoonka magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here