Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Soo Xiray Shirkii 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo xiray Shirkii 35-aad ee Caadiga ahaa ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika, kaas oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday caasimadda dalka ee Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in martigelinta shirka ee Muqdisho ay astaan u tahay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ka sameysay dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska, isla markaana ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee dalalka gobolka ku qabaan Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in gobolka Bariga Afrika uu wajahayo caqabado amni oo wadajir ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin argagixisada, dambiyada ka gudba xuduudaha, amniga badda, saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha bani’aadannimo. Wuxuu tilmaamay in caqabadahaasi ay u baahan yihiin iskaashi mideysan, xalal ku dhisan amni, horumar iyo diblomaasiyad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale adkeeyay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF) uu ka qaato sugidda amniga gobolka, isaga oo bogaadiyey doodihii iyo qiimeyntii qotada dheeraa ee ay sameeyeen khubarada iyo madaxda amniga ee ka qeybgalay shirka, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta qorshayaasha, miisaaniyadda iyo istiraatiijiyadda mustaqbalka ee ciidanka.

Intii uu socday shirka, Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu wareejisay guddoonka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika oo ay sanad haysay dowladda Uganda. Munaasabadda wareejinta ayaa si hab-maamuus leh u dhacday, waxaana calanka EASF ku wareejiyay unug tababar heersare ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi, oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in tallaabooyin horumar ah la xaqiijiyay intii ay Soomaaliya haysay hoggaanka, isaga oo xusay in natiijooyinka shirka ay saldhig u noqon doonaan xoojinta wada-shaqeynta amni ee dalalka xubnaha ka ah EASF.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha shirka doorkooda iyo dadaalkooda, isaga oo rajo ka muujiyay in go’aamada ka soo baxa shirka ay si wax ku ool ah gacan uga geysan doonaan xoojinta nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here