MUQDISHO, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Qatar.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Inta uu ku sugan yahay Qatar, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la kulmi doona madaxda sare ee dowladda Qatar, iyadoo la filayo in kulamadaasi looga wada hadlo xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka caalamka.
Qatar ayaa ka mid ah dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay iska kaashadaan arrimo siyaasadeed, dhaqaale iyo horumarineed.



