Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hoygiisa ku qaabilay Isimada Puntland

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah isimada Puntland oo booqasho ku joogay caasimadda dalka.

 

Isimada la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, kuwaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay kulanka.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha deegaannada ay isimadu ka yimaadeen, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo dowladda si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada Puntland, iyo doorka muhiimka ah ee isimadu ka qaadanayaan dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay isimada kaalintooda muuqata ee ay ku leeyihiin xallinta khilaafaadka, mideynta bulshada, iyo dhismaha dowladnimada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan nabadda iyo midnimada dalka.

“Waxaan uga mahadceliyey isimada doorka muuqda ee ay ka qaateen dhismaha dowladnimada Soomaaliya, xallinta khilaafaadka beelaha, iyo mideynta bulshada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.May be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here