MUQDISHO, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Axaddii kormeeray xarunta lagu diyaarinayo warbixinta waxqabadka Xukuumadda DanQaran ee muddada 2022 ilaa 2026.
Xarunta ayaa ku dhex taalla Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyadoo warbixinta lagu soo bandhigayo waxqabadka dowladda muddadii ay xilka haysay.
Xamsa ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay gaartay guulo wax-ku-ool ah, kuwaas oo uu sheegay inay ku salaysan yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni-jirka ah ee Soomaaliya ee 2060.
Howl-wadeennada diyaarinaya warbixinta ayaa ra’iisul wasaaraha u soo bandhigay waxqabadka laga gaaray lixda tiir ee dowladda, kuwaas oo kala ah amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, Soomaali heshiis ah, xiriirka caalamka iyo garsoorka.
Xamsa ayaa ku baaqay dadaal, midnimo iyo wada-shaqeyn si Soomaaliya looga gaarsiiyo horumar waara, isagoo sheegay in himilada dowladda ay tahay Soomaaliya mid ah, nabad ah, barwaaqo ah oo ka faa’iidaysata khayraadkeeda.
“Waxaan u soconnaa Soomaali mid ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu, isagoo xusay in waddada horumarka ay weli dheer tahay oo ay u baahan tahay samir iyo adkaysi.
Warbixinta ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee la xiriira isla-xisaabtanka, waxaana lagu wada darayaa xogta iyo waxqabadka dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.
Dowladda ayaa sheegtay in warbixinta kama dambaysta ah loo gudbiyey Akadeemiyadda Goboleedka Afka iyo Dhaqanka si dib-u-eegis iyo tafatir loogu sameeyo qoraalka iyo eray-bixinta Af-Soomaaliga.



