Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdalla Cuteybi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururkaasi ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Danjiraha guulaha ay dowladdu ka gaartay horumarka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, isagoo uga mahadceliyay Ururka Jaamacadda Carabta doorka firfircoon ee uu ka qaato taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Danjire Cabdalla Cuteybi ayaa dhankiisa sheegay in wafdi sare oo ka socda Ururka Jaamacadda Carabta ay dhawaan iman doonaan Soomaaliya, kuwaas oo ka shaqayn doona mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo dalka.
Waxa uu xusay muhiimadda ay Soomaaliya ku leedahay iskaashiga waddamada xubnaha ka ah ururkaasi.
Kulanka ayaa muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Jaamacadda Carabta, iyadoo laga wada shaqaynayo horumarinta iskaashi joogto ah oo labada dhinac ah.




