MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Daccò Coppi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo ay dowladda Talyaaniga ka taageerayso Soomaaliya, gaar ahaan saddex mashruuc oo waaweyn oo isbitaallo looga dhisayo degmooyinka Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, Xarardheere ee gobolka Mudug iyo Caddale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay halka ay marayaan mashaariicdaasi iyo qorshaha lagu hirgelinayo adeegyada caafimaad ee ay bulshada uga faa’iideysan doonaan.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo xusay iskaashiga dhinacyada diblumaasiyadda, horumarka, waxbarashada iyo taageerada bani’aadannimada.
Mudane Xamsa ayaa sidoo kale Safiirka la wadaagay guulaha ay dowladda ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah.
Dhankiisa, Danjire Pier Daccò Coppi ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda, isagoo caddeeyay in dowladda Talyaaniga ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo dib-u-dhiska adeegyada bulshada.



