Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Qurbajoogta Soomaaliyeed Waa Udub-dhexaadka Horumarka Dalka”

0

Muqdisho, 22 Luulyo 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarka dalka, loogana fadhiyo inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada qalabka sida iyo hirgelinta doorashooyinka dalka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah ee codbixinta iyo in la doorto.

 

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waa laf-dhabarta Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya, qorshe diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo casriyeynta hey’adaha dowladda. Waxaa la idinka sugayaa in aad ka shaqeysaan midnimada dalka, oo aad qayb weyn ka noqotaan dhismaha dowladnimada, difaaca iyo doorashada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Hadalkan ayuu ka jeediyey munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo lagu xusayay doorka muhiimka ah ee ay Qurbajoogtu ku leeyihiin taageerada dowladda iyo ciidanka qalabka sida, iyada oo hal-ku-dhigga xafladda uu ahaa “Difaac iyo Doorasho”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xukuumadda DanQaran ay si weyn uga faa’iideysaneyso aqoonta, khibradda iyo dhaqaalaha Qurbajoogta, taas oo caddeyneysa sida aan looga maarmin kaalintooda dhismaha iyo horumarka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here