Ra’iisul wasaare Xamza oo war kasoo saaray geerida marxuum Cali Ugaas

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Marxuum Cali Ugaas Cabdulle ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqa Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here