Ra’iisul wasaare Xamza oo xarigga ka jaray waddada Taleex + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddada Taleex ee Degmada Hodan oo dib-u-dhis uu ku sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, nabadda, ganacsiga iyo horumarka kala duwan caasimadda, waxa uuna ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay soo nooleynta bilicdii iyo horumarkii Muqdisho ay ku suntanayd.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda in ay ilaaliyaan nadaafadda iyo daryeelka waddooyinka, isla markaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Maamulka Gobalka Banaadir oo gacanta ku haya dib u dhiska jidadka caasimadda.

Waddadan oo muhiimad gaar ah u leh isu-socodka bulshada caasimada, ayaa lagu dhisay barmaamijka hal doolar dalkaaga ku dhiso oo qeyb ka ah qorshe ay bulshadu uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska Muqdisho.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here