Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi in uu noqdo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa timid kadib xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo dhawaan ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo sababay isbeddel ku yimid hoggaanka maamulkaasi.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faragelin sameeyay, waxaana meesha laga saaray maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabista hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ku sheegay mid lagu xoojinayo xasilloonida, maamul wanaagga iyo diyaarinta hannaan siyaasadeed oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa la filayaa in hoggaamiyaha cusub ee ku-meelgaarka ah uu hoggaamiyo geeddi-socodka dib u heshiisiinta, xasillinta iyo dhismaha hay’adaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inta laga gaarayo hannaan maamul oo Rasmi ah.




