MUQDISHO, 14 December 2025 – Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sameeyay isbedel ku saabsan xubnaha Golaha Wasiirrada, isagoo xilal cusub u magacaabay qaar ka mid ah wasiiradii hore.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa Danjire Jamaal Maxamed Xasan loogu magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, isagoo xilkaas kala wareegaya Xildhibaan Maxamuud Geesood.
Sidoo kale, Senatar Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska, isagoona xilka kala wareegaya Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
Afhayeenka Xukuumadda Cabdinaasir Saxansaxo ayaa sheegay in magacaabistaan ay dhaqan gashay, islamarkaana ay qeyb ka tahay dadaalada lagu dardargelinayo waxqabadka hay’adaha dowladda.
Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wasiirrada cusub faray inay si degdeg ah xilalkooda ula wareegaan, una soo bandhigaan dadaal dheeraad ah oo la xiriira shaqada dowladda.



