Golaha wasiirada Soomaaliya oo soo saaray go’aanno xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin, laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda, laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga.

Raiisulwasaaraha ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah oo ka kooban,

▪ Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Gen Mukhtaar Xuseen Afrax, Guddoomiye.
▪ Md Cabdulaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha
▪ Md Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhiga.
▪ Md Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga
▪ Marwo Fowziya Maxamed Abiikar, wasiirka Caafimaadka.
▪ Iyo sarkaal ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha Wasiiradu wuxuu ugu baaqayaa Waxgaradka iyo Shacabka Magaalada baladwayne in ay muujiyaan daganaan, Lana ilaaliyo waxkasta oo keeni kara isku dhac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here