Rooble oo bogaadiyay dhismaha waddada isku xirta Hobyo iyo Gaalkacyo

0

DHUUSAMAREEB (SMN) -Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay wakiillo ka socday Guddiga dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo.

Rooble ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay howshu ku socoto, isagoo warbixin ka dhageystay wakiillada Guddiga dhisaya Waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo, wuxuuna ku dhiirrigeliyay howsha muhiimka ah ee ay hayaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedka ugu weyn ee uu Dhuusamareeb u tegay ayaa ah dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan kuraasta taalla Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here