ABU DHABI (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo wali ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa halkaasi kawada kulamo uu la qaadanayo Madaxda dalkaas kuwaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa hay’adda kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay