MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa khadka telefoonka kula hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee.
Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka qaabilsan Afrika ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amniga iyo doorashooyinka dalka.
Wada-hadalladan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan Villa Soomaaliya ay wajaheyso culeys xoogan oo ka dhashay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka taageero Soomaaliya, wuxuuna si dhow ula socdaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.