Rooble oo la hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  khadka telefoonka kula hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee.

Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka qaabilsan Afrika ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amniga iyo doorashooyinka dalka.

Wada-hadalladan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan Villa Soomaaliya ay wajaheyso culeys xoogan oo ka dhashay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka taageero Soomaaliya, wuxuuna si dhow ula socdaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here