Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagoo tixraacaya heshiiskii 27-kii May 2021, sida oo kalena tixgelinaya baahida loo qabo dardar gelinta geeddi socodka doorashada waxaa uu magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Qodobka 1-aad Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo

  1. Mudane Maxamed Cali Caadle wasiirka arrimaha gudaha Hir-shabeelle.
  2. Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad wasiirka Arrimaha gudaha Puntland.
  3. Mudane Axmed Madoobe Nuunow wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed.
  4. Mudane Aadan Cusmaan Xuseen wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug.

Qodobka 2-aad -Xubnaha guddiga waxaa la farayaa inay si deg deg ah u howl galaan, una bilaabaan arrimaha dib u heshiisiinta iyagoo la tashiyo la sameynaya dhammaan dhinacyadda ay dib u heshiisiintu quseyso.

Qodobka 3-aad, guddiga marka ay howlahooda gudanayaan waxaa hagaya go’aanadii 27-kii May 2021, qodobkiisa 3-aad.

Qodobka 3-aad, Xeerkaan waxaa uu dhaqan galaya marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , waxaana uu saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here