R/Wasaare Rooble oo shaaca ka qaaday xog ku aadan dilkii xildhibaan Aamino

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan lagula beegsaday magaaalada Baladweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in aanu ka hari doonin caddaalad u raadinta Ikraan Tahaliil iyo Allah u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo uu sheegay in uu aamisan yahay in ay isku gacan ku bexeen, isagoo dhanka kalena sheegay in ay ka go’an tahay in doorashad lagu soo afmeero xilligii uu u qabtay guddiga FEIT.

Kulanka ducada ah ayaa waxaa kale oo ka qeyb galay Madaxweyneyaal hore, masuuliyiin kala duwan, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, culimaa’udiin, Ehelada Marxuum Aamina iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo.qiray sida ay ugu ololeyneysay dhanka Cadaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here