Rooble oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay ku biirista Ururka EAC

0

MUQDISHO (SMN) – Raii’sul wasaarihii hore ee XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysy ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

 

Qoraalka Raii’sul wasaaraha ayaa u qornaa sidaan:-

“Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista EAC oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika.

Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.

Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah.

Guul iyo Gobanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here