Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey agaasimaha guud ee NISA

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Rooble ayaa sidoo kale xilkan si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, kaas oo horey ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrintan ayaa salka ku heysa xiisada ka dhalatay dilka la sheegay inay Al-Shabaab u geysteen Ikraan Tahliin Faarax oo ka tirsaneyd NISA, balse lagu waayey nolol iyo geeri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here